|
Takhtar ilkaha ah oo soomaaliyeed ayaa kaaga digaya khatarta uu Qaadku u leeyahay mustaqbalkaaga, caafimaadkaaga iyo noloshaadaba.

Qaadku ilkahaaga waa uu baabi’inayaa oo dal-daloolinayaa, afkaaga gudihiisana huuro ayuu ku samaynayaa, taas oo keeni karta in aad yeelato ilko foolxumo badan, sida uu sheegay takhtarka ilkaha Abshir Jaamac.
Haddii qaadku ilkahaaga ka dhigo kuwo bololay oo foolxumo badan miyaad dadka hortiisa ku dhoollo-caddayn kartaa?
Maxaad cuntada ku calalin doontaa haddii qaadku ilkahaada baabi’iyo?
Miyaad rabtaa in aad noloshaada ku cayaarto?
Ma waxa aad ka mid tahay kuwa aan diidi karin haddii asxaabtiisu qaad siiso? Mise waxa aad tahay qof karti u leh in uu yiraahdo ma doonayo, haddii ay cidi rabto in ay ku cunsiiso maaddo (daroogo) naftaada wax yeelaysa, qatar ah oo sharci ahaanna mamnuuc ah?
Qaadku muddo ka dib waxa uu kaa dhigayaa qof caajis ah, tacbaan ah oo wahsi badan, sidaas-darteed waxa uu kaa hor istaagayaa in aad ciyaaraha ka qeybqaadato. Tusaale ahaan kuuma suurogelayso in aad kubbadda cagta meel fiican ka gaarto, oo aad martid jidkii uu maray Cabdisalaan Caddaay, oo hadda uu qaatay (iibsaday) naadiga Manchester City. Cabdisalaan weligiis qaad ma cunin.
Cabdisalaan Caddaay “Anigu weligey qaad ma cunin”
Dadka qaadka cuna badankooda waxa qaadka baray qof bilaash u siiyey markii ugu horreysay. Ciddii ku siisa wax sun ah waa saaxiib xun!
Haddii aad qayisho shaqo iyo waxbarasho midna uma haynaysid niyad iyo tamar. Qaadku waxa uu curyaamiyaa dhaqaalahaaga waayo aad ayey qaali u tahay cunistiisu. Bal waxa aad ka fekertaa waxyaabaha kale ee lacagtaasi kuu goyn lahayd. Sida ugu wanaagsan ee aad kaga badbaadi karto dhibaatooyinka qaadka waa in aadan isku deyin cunistiisa haba-yaraatee!
Seef laba af leh.
Maah-maah soomaaliyeed ayaa tiraahda waqtigaagu waa sida seef laba af leh. Seeftaada waxa aad u isticmaashaa in aad wax ku goyso, haddii kale adiga ayaa isku goynaya seefta. In aad adigu is goyso waa waqtilumis.
Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee uu leeyahay isticmaalka qaadku waxa ka mid ah waqtiga oo uu kaa lumiyo. Haddii aad habeenkii qayisho oo maalintiina seexato, waqti uma helaysid shaqo, waxbarasho ama firaaqo kale oo aad danahaaga ku qabsato.
Haddiise aad waqtiga si taas ka fiican uga faa’iideysato, fursado badan oo xagga nolosha ah ayaa kuu furan.
Qaadku waa mukhaadaraad (maandooriye)
Maaddooyin sun ah oo qaadka ku jiraa waxay dhaawici karaan caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaadaba. Qaadka cunistiisu waxa ay kuu keentaa indhaha oo ku soo baxa, wadnaha oo xoog kuu garaaca iyo cadaadiska dhiiggaaga oo kor u kaca. Maaddooyinka sunta ah ee qaadka ku jira ayaa keena hurdada oo kugu yaraata, hammadda oo kaa xumaata, cunto-xumo, niyad-xumo iyo xanuunno kale oo maskaxeedba.
Dhibaatooyinka caafimaad ee qaadku keeno
Qaadku waxa uu dhibaatooyin u keeni karaa wadnahaaga iyo beerkaaga. Arrintaas waxa caddeeyey Dr Sagar Saha. Takhtarkani waxa uu isku dayey in uu badbaadiyo nin soomaaliyeed oo 33 jir ahaa, isaga oo sakaraad ahna la jiifiyey isbitaal London ah. “Ninku waxa uu u dhintay dhaawac uu wadnihiisa gaarsiiyey qaadku, ugu dambayntiina qaadku waxa uu baabi’iyey wadnihiisa. Suurogal ma ay ahayn in muruqyada wadnihiisa la beddelo” ayuu takhtarku ku yiri qoraal lagu daabacay Journal of the Royal Society of Medicine (Vol. 99) taariikhdu markay ahayd june 2006.
Faah-faahin arrintan ku saabsan ka aqri: http://www..rms.ac.uk/media/pr198.php
Hadal laga soo xigtay Narkoman.net ayaa sheegaya in qaadku keeni karo cudurka kansarka afka (cancer). Kansarku meel jirka ka mid ah ayuu ka bilaabmaa, tusaale ahaan afka. Markaas ka dib cudurkii waa uu sii faafaa, taas oo keeni karta dhimasho.
Faahfaahin ku saabsan xiriirka ay leeyihiin qayilaadda iyo kansarku ka aqri http://www.uib.no/elin/elpub/uibmag/0106/khat.html
Qaadku waa mamnuuc waana la isku ciqaabaa
Dembiilyaasha mukhaadaraadka oo dhan waxa lagu qoraa diiwaanka booliska, taas oo mustaqbalka kaa hor istaagi karta inaad liisan baabuur qaadato ama shaqo hesho.
Haddii lagugu qabto qaad, kaas oo culayskiisu gaarsiisan yahay ilaa laba kiilo (2 kg), waxa aad jebisay qaanuunka lambarkiisu yahay § 31 qodobkii 1aad oo xiriir la leh kan 24aad, waxana lagu ganaaxayaa lacag dhan 2 000-3 000 oo krone. Haddii lagugu qabto qaad culayskiisu gaarsiisan yahay ilaa 15 kg, waxa aad jebisay xeerka ciqaabta ee lambarkiisu yahay § 162, qodobkiisa 1aad, waxana lagu ganaaxayaa lacag dhan 2 500-9 000 oo krone. Iibinta qaadku iyadu intaas waa ay ka sii ciqaab kulushahay.
Haddii aad qabto su’aal ama hadal ka geysanayso qaadka iyo cunistiisa waxa aad faah-faahin ka helaysaa www.mininfo.org
Minoritetsinformasjon
|